Adduunka oo noqon doona GUDCUR madow 15 maalmood (Warbixin xasaasi ah oo soo baxday)

New York (Caasimada Online) – Ha’yadda Dayaxgacmeedka iyo saadaasha hawada ee NASA ayaa shalay soo saartay warbixin ka kooban 1000 (Kun Bog) oo aay ku soo bandhigtay in Adduunka uu noqondoona (15) Maalmood MUGDI, taasoo bilaaban doonta Bisha November 15 oo Axad ah ilaa bisha November 30.

Charles Bolden, oo uu dhawaantan madaxweyne Obama u magacaabay madaxa NASA ayaa soo saaray warbixinta ka kooban 1000 bog.

Waxaa ku xusan warbixinta in bishan Oktober 26 VENUS iyo JUPITER in aay isku soo dhawaan doonaan si siman, waxaana u dhexeyn doona hal degree (1 Degree). Venus waxaa uu dhaafi doonaa dhanka koofur-galbeed Jupiter, taasoo keeni doonta in Venus iftiinkiisa oo kor u koco toban jibaar ka badan midka Jupiter.

Rogaal celinta gaask uu sii deyn doono ayaa noqoneysa mid aanan la koobi karin hydrogenta ku jirta hawada sare. Hydrogentaas gaaska ah ayaa ku milmi doonta qorraxda dhulka qiyaas ahaan saacadu markey tahay 2.50 AM saqda dhexe.

Ku milmidaas hydrogenta ayaa keeni doonta qarax aad u weyn oo ka dhaca daafaca qoraxda. Qaraxaas ayaa waxaa uu kor u qaadi doonaa heer-kulka qoraxda in lagu qiyaasay 9000 oo degree.

Qorraxda ayaa markaa kaddib hoos u dhigi doonta heerkulkeeda kana dheeraan doonta dhexda. Waxaa tani keeni doontaa in iftiinka qoraxda uu hoos u dhaco adduunkana noqdo MUGDI.

Qeybo ka mid ah dunida ayaa dareemi doona 7 ilaa 8 daqiiqadood oo ah iftiin aad u xoog badan, inta aanu dhulka oo dhan uusan noqon gudcur madow maalinta Axada ah November 15, sanadka 2015

Warbixinta oo ku qoran afka ingiriiska halkan ka aqriso
http://www.timesofeducation.com/nasa-confirms-earth-will-experience-15-days-of-darkness-in-november-2015/

Dr. Cali Maxamed Warsame
Caasimada Online, New York
caasimada@live.com