Arrag sawir kaa qoslin doona oo muujinaya 3-da mas’uul ee ugu musuq maasuqa badan DFS !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Madaxda DF Somalia lagu eedeeyo musuq-maasuq Hanti Qaran ayaa waxaa iminka Sawir gacmeed lagu cabiray 3 Mas’uul ee DF Somalia ugu musuqa badan tan iyo markii xilka madaxtinimo ee dalka uu qabtay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Farshaxaniistaha soo bandhigay Sawir gacmeedka ayaa qodobada soo socda ku xushay 3 Mas’uul:

1-Sawiraaga waxa uu Kaalinta koowad ee Musuqa u aqoonsaday Madaxweyne Xassan Sheekh oo isagu u dhar dhigtay in Dowladu uu ka dhigo mid shaqsiyadeed oo uu isagu milkiyey waxaana kamid ah waxyaabaha lagu eedeeyay is daba-marinta hantida, xilalka dowlada oo uu kusoo koobay shaqsiyaad isaga garab u ah iyo arrimo kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin.

2-Sawiraaga kartoonkaani ayaa kaalinta labaad u aqoonsaday Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo lagu xushay Musuq hantiyadeed, ka ganacsiga Badda, nin jecleysiga iyo in mas’uuliyada loo dhiibtay uu u adeegsaday rabitaankiisa.

3- Sawiraaga kartoonkaani waxa uu Kaalinta Seddexaad u aqoonsaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab oo isagu is laheysiiyay magaalada Muqdisho oo idil waxaana kamid ah qodobada lagu soo xushay Eexda, Musuqa oo aan u xadidneyn, qaadashada laaluushka, iibsashada hantida dad weynaha, amar ku taagleynta, nin jecleysiga, dayacaada kaalinta iyo xuquuqda ay ku leeyihiin dalka iyo dadka iyo boobka oo la sheegay inay caado u noqotay!

MUSUQMAASUQ copy