Emailka Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka oo la jabsaday & Macluumaad culus oo lagala baxay

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxaha ku caanbaxay jabinta Emailada Sirdoonka iyo diplumaasiyiinta caalamka, ayaa jabsaday Email uu lahaa Agaasimaha Hay’ada CIA ee dalka Mareykanka.

Kooxdaasi ayaa Emailka Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka dibada Mareykanka John Brenan kala baxay Sir iyo macluumaad farabadan oo khuseeyay howlaha Sirdoonka Arimaha Dibada Mareykanka, Caqabadaha heysata iyo waliba qaabka ugu haboon ee looga hortagi lahaa.

Agaasimaha ayaa sheegay in arrinka noocaasi ah yahay dambi iyo ku xadgudub Shakhsiyadda iyo Khusuusiyadiisa, isagoo intaa ku daray in aan Emailka la jabsaday aanu ku jirin wax sir ah.

Warbaahinta qaar waxa ay qortay in Emailkaasi uu jabsaday arday dugsi sare dhigta.

Qoraalada Emailka Agaasimaha Sirdoonka Arimaha Dibada Mareykanka lagala baxay ayaa waxaa soo bandhigay Shabakada ku caan baxday Faafinta Siraha Mas’uuliyiinta Wikileaks.

Geesta kale, Macluumaadka ku jiray Qoraalada ayaa waxaa ka mid ahaa warbixino qabyo ah oo laga diyaariyay Caqabadaha haysta Sirdoonka dalka Mareykanka iyo soo jeedino ku aadan sida Dowladda Mareykanka ay ula macaamili karto dalka Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com