Afar arrin oo Xasan ku riixaya inuu isbeddel sameeyo kahor wejiga 2-aad ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-dhacyada u dhaxeeya ciidanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa noqdya cinwaanka u weyn ee maalmahan, xilli dowladda Soomaaliya laga sugayay inay billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyinka Baraawe iyo Ceel-barde ayaa kamid ah goobaha laga soo wariyay in ciidanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya ay gacanta iskula tageen, halkaas oo khasaare nafeed laga soo wariyay.

Labadaan ciidan waa kuwii loogu tala-galay loona diyaariyay in Al-Shabaab ka saaran dalka, balse in iyagii is dilayaan ayaa ah farriin walaac ku ah aragtidii aheyd in wada-jir loola dagaalamo kooxaha argagixisada ee dhibaatada ba’an ku haya Soomaaliya.

In ciidankii xoogga dalka ay ku lug leeyihiin shaqaaqooyin joogto ah oo ka baxsan dagaalka Al-Shabaab, waxay su’aal dul dhigaysaa hoggaanka ciidanka.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa weli hoggaaminaya ciidanka xoogga dalka. Tan iyo markii ay shaqaaqooyinkan curteen waxaa billowday doodda ku saabsan gaabiska hoggaanka ciidanka xoogga dalka iyo suurtagalnimo sheegaysa in la gaaray xilligii madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqi lahaa isbeddel hoggaamineed.

Afar arrimood ayaa la aaminsan yahay inay qasbeyso isbeddelka, kuwaasi oo kala ah;

1. Gaadmada Al-Shabaab ee ciidanka xoogga dalka oo badatay

Kooxda Al-Shabaab waxay weeraro gaadmo ah ku qaadeen lixdankii cisho ee u dambeysay xarumo ay deganayeen ciidanka xoogga dalka.

Waxay geysteen khasaare baaxad weyn, waxaana loo sababeynaya taxadar la’aan, xog la’aan iyo wada-shaqeyn la’aan ciidanka dhexdiisa ah.

2. Isku dhacyada ciidanka dhexdooda ah

Labada dhacdo ee maanta ugu hadal haynta badan waa midda Baraawe iyo midda Ceel-barde, labadaba waxaa ku lug leh ciidanka xoogga dalka.

Waxay is-hayaan ciidan heer maamul goboleed ah. Fikirku wuxuu markii hore ahaa in labada ciidan is qaataan iskana garab diriraan oo ay argagixisada soo afjaraan.

In maanta iyagii qoryo isku sitaan waxay muujineysa in hoggaanka ciidanka xoogga dalka uusan xakameyn karin ciidanka, uusana dhigin xeer adag oo dhaqankaan ka hortagi kara.

3. Ciidan masuugsan hoggaankooda

Muddadii sanadka aheyd ee madaxweyne Xasan Sheekh joogay xafiiska waxaa xooggana warar ku saabsan in saraakiil sar-sare, taliye qeybeedyada iyo ciidanka badi masuugsan yihiin hoggaankooda.

Sababta aad uma cadda, laakiin waxaa muuqata in hoggaamiye Odowaa uusan ku guuleysan inuu kasbado ragga ay shaqada dhabta ah kala dhaxeyso.

Madaxweynaha waxaa la sheegay in dhowr jeer culeyska arrintaas lala wadaagay.

4. Wejiga labaad oo u baahan laba kacleyn

Dowladdu waxay ku jirtaa diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, wuxuu u baahan yahay laba kacleyn iyo tamar cusub.

Inkasta oo howl-galka isku dhafka ah hoggaaminayi Taliye Bariise, haddana waxaa jira dad badan oo aaminsan in isbeddel ku dhaca hoggaank ciidanka xoogga dalka inuu keeni karo dardar xoog leh iyo khibrad cusub.