Afar dulimaad oo lagu soo qaaday Soomaalida.!!

Mahad ideylkeed alleey u sugnaatay ( Sw ) naxariis iyo nabadgelyo nabigeena suuban ( Scw ) ehelkiisii asxaabtiisii intii raacday korkooda alle haka yeelo aamiin.

Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhu

Sida aad kawada dheehanaysaan qormadani waxay ka hadli doonta Dulimaadyada la inaku hayo hadaan nahay uma somaliyeed  iyadoo aan ukula qadi  doono afar qaybood  oo kala aha

1-Dulimaadka Caqliga

2-Dulimaad waxbarashada

3-Dulimaadku dhaqanka

4-Dulimaadka  maandooriyaha( qaadka  )

Dulimaadka caqliga : caqligu  waa awooda aad naftaada ku fahanto iyo caalamka kale ee kugu hareeraysan Waxaan wada garawsanaynaa in nolol aysan soconayn caqli la,aan  hadaba dulimaadka caqligu wuxuu inta badan xooga saara inuu caburiyo dadka caqliga badan oo ilaahay mowhibada u siiyay inay fahmaan dhagar walba oo umadooda lala damacsan yahay  qof walba oo caqli leh ma aqbalo wax walba oo duudsi ah mana qaato wax walba oo aan u cuntimin umadiisa hadaba dulimaadka caqligu wuxuu xooga saaro inuu umada ka ciribtiro dadka  caqliga leh si uu u fushado danihiis waana  taalabada koowad oo ugu horaysa dulimaadka

Dulimaadka waxbarshada: Waxbarashadu waa asaaska horumarka ,horumar walbana wuxuu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee ay bulsho leedahay hadba inta uu le ,egyahay .

Umad waliba waxay leedahay wax yaabo muqadaasaad u ah sida diin iyo dhaqan dulimaadka waxbarashadu wuxuu xooga saara inuu noqdo hadba kan qaabeeya ama dajiya  muqararka ama manhajka waxbarasho si u usoo saaro nooca dadka isagu uu rabo  taasina waxay u sahlaysaa inuu si fudud u hantiyo jiilka sookacaya oo iyagu ah dhaxlayaasha dalka

Dulimaadkani wuxuu ku gulaystaa inuu soosaro dad xambaarsan wixii lagu baray dugsiyada kana turjumaya cidii hadba tababartay  waxay aaminsanayd ama dhaqan iyo caado ay lahayd waana mid aad u khatar  badan

FG: waa in aad la isaga hubiyo manaahijta waxbarasho ee ubadkeena lagu baro dugsiyada

Dulimaadka dhaqanka : dhaqanku waa waa hab-dhaqan ay u nooshay bulsho tiro intay-doonto ha leegaatee,waa hab aan la dhaqaaqin iyadoon habkaa la marin,amase baadi-sooc u ah bulshadaa iyada ah.

hidaha iyo dhaqankaku waxaa uu astaan u yahay jiritaanka qowmiyad degaaniyo dal leh laguna aqoonsado waxa ay yihiin iyo waxa ay aaminsanyihiin laguna tixgaliyaa  hadaba dulimaadka dhaqanku wuxuu xooga saara in gabi ahaanba laga takhaluso dhaqanka umada taasi oo u sahlaya inay jiilalka cusub uga marin habaabiyaan waxay ahaan jirin una tusiyaan in dhaqankoodii ahaa mid aan macno badan lahayn lagana fiican yahay inay kusi dhaqmaan hadii umadu dhaqankeeda ka tagto waa khasab inay dhaqan kale qaatan taasi oo saamayn wayn ku yeelanaysa taariikhooda iyo sida ay hadba u fakarayaan qof walbana fikirkiisa iyo hadaldiisa waxaa inta badan ka dhex muuqdo dhaqankiisa  hadiii uu dhaqan kale qaatana wuxa uu la fakar noqonaya hadba cida dhaqankeeda uu qaatay

Dhaqanka soomaliyeed wuxuu waafaqsan yahay diinta islaamka waana dhaqan aad u wanaagsan majirto sabab inta looga tago mid kale loogu badalan karo

4-dulimaadka maandooriyaha (Qaadka ) : waxaa laga yaaba in dad badani aysan aamisanayn  in qaadku yahay mu,aamarad la inoo dhigay hadaba qaadku waa dulimaadka kaliya ee si toos ah uga hirgalay dalka ujeedada ka danbaysana waxay tahay in maskax ahaan la inoo curyaamiyo si aanan wakhtiba ugu helin inaan u fakarno waana sababta dad farabadan oo bulshadeena ah ay ugu mashquuleen qaadka

Marka laga tago dhibaatadiisa cafimaad,dhaqaale,diineed iwm wuxuu qaadka doorway ka qaatay in la inaka mashquuliyo inaan fursad u helno inaan ka fakarrno mustaqbalka dalkeena waa muhiim inaan ku baraarugno afadiisa kawayn mida aynu u naqaan ee ah dhibtaado qofeed ama dhaqaale iwm

Gunaanad :waxaan dhaman umada somaliyeed uga baqayaa inay ku baraarugaan dulimaadyadan la ina ku hayo waana waajib in loo kaco sidii looga hortagi lahaa dagaalkan inagu socda una badbaadsan lahayn dalkeena

Qoraa :Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )