Xog: Borsaani oo halis ugu jira inuu xilka waayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa markale ka hadlay arinta ku aadan in dhismihii hore ee baarlamaanka lagu wareejiyay ganacsade Soomaaliyeed.

Kulanka xildhibaanada baarlamaanka maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayuu gudoomiye Jawaari ku sheegay in marnaba ganacsade Soomaaliyeed uusan dhisi Karin dhismihii hore ee baarlamaanka.

Maxamed Sheikh Cismaan, ayaa cadeeyay in dhismaha ex-baarlamaan ay tahay mid u taala baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana aan looga baahneyn shaqsi ama ganacsade Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Boorsaani ayaa waxaa ku socday baaritaan, waxaana uu weyn karaa xilka haddii lagu helo inuu lacag qaatay.

Jawaari, wuxuu tilmaamay in gudi gaar ah loo xilsaaray dhismaha xaruntii hore ee baarlamaanka ayna ku maqan yihiin qiimeynta dhaqaalaha ku baxaya dhismaha, sida uu sheegay gudoomiye Jawaari.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa 10 maalin ka hor shaaciyay in xaruntii hore ee baarlamaanka lagu wareejiyay milkiilaha Universal, laakiin wuxuu markii dambe xaqiijiyay in dhismaha kaliya dhanka nadaafada iyo dib usoo celinta bilicda ay ka shaqeynayaan ganacsada la wareegtay.

Arintaasi ayaa waxaa ka carooday qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com