Xog: Xildhibaan soo bandhigay fadeexad musuq maasuq oo haysata mas’uul xil sare ka haya DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ah xildhibaanada baarlamaaanka Soomaaliya ataa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo  xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya.

Qoraalka uu soo bandhigay Xildhibaan Cabdi Bare ayaa u Qornaa sidan:-

KU:-WARGALIN Tr.12/20/2015

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed Maanta u sheegayaa Ninka sheeganaya Xeer Ilaaliyaha oo lagu magacaabo Axmed Cali Dahir inu yahay Nin la keensaday oo loo kenay inuu dhibaateyo dadka ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud Sababto ah xeer ilaaliyihii hore Cabdulqadir Maxmed Muuse oo shaqaynaya ayuu Xafiskiisi Jabsaday.

Dhibatadda uu sameeyey waxaa ka mid ah ninkaan sheeganaya Xeer ilaaliyaha Qaranka in loo is ticmaalay in uu u sharciyeeyo guri aan lahayn oo uu si xoog ah ugu xalaleeyey koox buurcad ah oo ka ganacsata guryahay una samaysata Ducumenti been abuur ah oo Abdalla Shideeye ah dhisidda gurigaasna wuxuu kaga qeyb qaatay in uu geeyey gaari Tikniko ah oo ilaaliya inta dhimihiisa la dhamaynayo wuxuuna ka qaatay $50,000 kun oo Doller sida ay sheegeen burcaddii uu guriga uu u dhacayey ay shegeen Gurigaas oo ku yaal D/Halwadaag kuna dhegsan Schoolka 21 November,kana soo hor jeeda Maxkamaddii hore ee wardhigley, Burcadaas Waxaa hogaaminaya 1-Xasan Gacmadheere. 2. Abshiir Guleed Xayle iyo Aden Cabdisalan,waxaase ayaan daro ah shaqsiga sidaas ah side loogu dhiibey arin qaran nin xataa aan aqoon u lahayn aqoonta uu sheeganayeyna ku badashey laaluush.

1-Haddii aan idiin sheego ninka magaciisu sare ku xusan yahay waa Nin dhibaato ku ah ummadda soomaaliyeed waxaad la socotaan in hadda ka hor uu sagaal 9 Sarkaal oo Polis ah in uu ku been abuurtay asago leh waxay qarxiyeen Hotel SYL ka dibna lagu wayey wax dambi ah.

2.Wuxuu siidaayey Markab si sharci daro ah uga kaluumaysanayey Xeebaha soomaaliya oo la soo qabtay wuxuuna ka qaatay laaluush.

3.Wuxuu tagey suuqa Dagmada madiina wuxuu dadka ku amray qofkii aan bixiin canshuurta dawladda waa dil Toogasho ah waxaa wax lala yaabo ah wuxuu sheeganayaa Xeer ilaaliye qaran maxaa ka quseeya canshuur halkaas waxaa ka cad in usan shaqaduu hayo aqoon u lahayn oo meesha la keensaday si uu shacabka u dhibaateeyo.

4.Lacag dhan $25,000,000 kun oo Xeer ilaalintu lahayd buu ka dhacay iyo Mushaarkii Xeer ilaaliyaasha Cusub oo dhan $7200 oo Dollar.

5.Wuxuu garsoore ka soo noqday Deeganka ismamuulka soomaalida Ethiopia wuxuuna ka soo dhacay malaayiin Dollar,Ninka sidaasa oo ku sifoobey Musuqmaasuqa side loogu aaminay ummad dhan sharcigeed.

6.Wuxuu Xafiska jooga mudo hal Sano iyo Bar wuxuu Degmadda Maddino ka dhistay Guri Sadex Dabaq ah mudadaas yar Xageebu ka keenay lacagtaas bal is weydiiya waa xaaranta uu daldalanayo shaqsiga sidaas ah soo maahan in sharciga la hor keeno.

7.Wuxuu Dalka Maraykanka ka soo dhacay $170,000 kun oo Doller oo loogu Tala galay dad masaakiina wuxuuna ku gatay gaari Xamuul oo hadda u shaqeeya.

Fiirro gaar ah

Waxaan uga Digayaa guriga ku yaal D/Halwadaag kana soo hor jeeda Maxkamaddii hore ee wardhigley kuna dhagan Schoolka 21 November burcadda dhisatay iyo kuwa alaabta dhigtay wax alaalle iyo wixii ka yimaada in ay masuul ka yihiin Xeer Ilaaliye ku sheega Axmed Cali Dahir iyo Madaxtooyada Soomaaliya,oo burcadaas u fududeeyey,waxaana ku wargalinayaa Maafiyadda dhisanaysa xoolo ayna lahayn in la heli doono hogaan Xalaal ah markaasna lala xisaabtamidoono.

Waxaa Qoray Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jabriil.