Odayaasha Hiiraan oo fashiliyey qorshihii Xasan

Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga hor yimid wareegtadii uu madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabay caasimada maamul goboleedka KMG ah ee loo dhisi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo magaalada marti gelineysa shirka maamul u sameynta labada gobol.

Xasan Sheekh ayaa caasimadda ku sheegay Buuloburde, halka magaalada marti gelineysa shirka uu ku sheegay Jowhar.

Odayaasha oo in muddo ah olole ugu jiray in magaalada Beledweyne ay marti geliso shirka ayaa cadeeyay inaysan aqbaleynin wax ka yar in shirka maamul u sameynta labada gobol lagu qabto, caasimadana ay noqoto magaalada Beledweyne.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in go’aanka odayaasha Gobolka Hiiraan uu waxyar ka horeeyay imaanshihii magaaladaasi ee wafdiga madaxweynaha isla markaana arrinta ugu weyn ee dooda ka taagan tahay ay noqotay labadan qodob oo madaxweynuhu wareegto ku soo saaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com