Daawo sawirro muujinaaya kobaca Daacishta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kasoo baxda dalka Britain ayaa baahisay warar la xiriira dhismaha dagaalyahaanada Booliska iyo Militeriga xagjiriinta Daacishta Libya.

Warbaahintu waxa ay qortay in Daacishta Libya ay ka kabsanayaan duruufihii ay ku bilowdeen, waxa ayna qoraalada ay ka qoreen ku sheegen in qeybo kamid ah dalka Libya ay iminka gacanta ku hayaan.

Britain waxa ay sheegtay inay heyso xogo muujinaaya in halkaasi uu iminka ku noolyahay Hogaamiyaha Daacish, taasina ay sababtay in la kobciyo dhismaha dagaalyahaanada qeybahooda kala duwan ee u qeybsama Booliska iyo Militeriga.

Daacishta Libya ma aysan lahaan jirin Booliska iyo Militerig, balse waxaa iminka muuqaneysa in labadaasi qeyb loo sameeyay.

Dagaalyahaanada ayaa ka soo muuqday Magaalada Sirta ee dalka Liibiya iyagoo magaalada gaafwareegaya si ay amaanka u xaqiijiyaan.

Sawirada waxaad ku arki doontaa gaadiidka booliiska ay isticmaalaan iyo habka nidaamsan ee ay Dagaalyahaanada u dhisan yihiin.

Dagaalyahaanada waxay jagboynti dhigeen meelaha qaar halkaasoo ay gaadiidka ku baaraan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
daacish1

daacish2

daacish3

daacish4

daacish5