Xog: R/W CC oo warqado yaab leh u kala diray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Cumar uu warqado canaan ah u kala diray Hay’adaha amaanka dalka , gaar ahaan kuwa khuseeya amaanka magaalada Muqdisho.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in warqadahaasi ay la xiriiraan falalka amni darro ee mudooyinkaani kusoo badanaayo magaalada Muqdisho, waxa uuna Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ugu baaqay in si hufan loo guto waajibaadka ka saaran xaqiijinta amaanka.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxa uu u qornaa ”waxaan dareen gaar ah ka muujineynaa habacsanaanta amaanka muqdisho. cadowgu waxa uu haminayaa in muqdisho ay gasho jawi ka duwan kan iminka ay ku naaloonayaan shacabka. fariintu waxa ay u gaar tahay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka waxaana ii muuqaneysa in meesha ay kasii baxeyso kaalintii Hay’adaha amaanka”

Ra’isul wasaaraha ayaa Taliyayaasha Hay ‘adaha amaanka uga digay inay dayacaan amaanka Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in wax laga bedelo sida uu iminka xaalku yahay.

Qoraalka Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa imaanaya xili Asbuucii tagay iyo kan iminka aan ku jirno magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo iyo weeraro toogasho ah oo lala beegsanaayay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com