Soomaali dhacdooyin argagax leh kula kulmay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa degaanka Pannerden ee dalka Holland kusoo kordhaaya qoysaska Soomaalida ah ee lagu dhibaateynaayo guryaha ay halkaasi ka degan yihiin.

Degaanka Pannerden ayaa waxaa lagu gubay Guri ay degnaayen Qoysas Soomaali ah, waxaana lasoo sheegayaa in gurigaasi ay dab iyo bansiin qabadsiiyeen dhalinyaro taabacsanaa Xisbiga (Pvv) ee dalka Holland.

Dhalinyarada hooygaasi gubay ayaa ayaa qeyb ka ah Cunsuriyiinta Holland, waxa ayna inta badan ficiltanka noocaasi ah kula kacaan Soomaalida dalkaasi ku nool.

Kooxdaasi ayaa gubista hooygaasi ka dib darbiyada gurigaasi ku dhajiyay sawirka Hoggaamiyaha Xisbiga Cunsuriyadda ee (Pvv) oo lagu magacaabo Geert Wilders.

Qoraalo yar oo sidoo kale ay ku qoreen Hooyga Soomaalidaasi ayaa waxaa kamid ahaa ”Caddaanka ayaa fiican, Qarankeenna ayaa ah Kow, Qaxootiyaaal waa inaad baxdaan, Tani waa bilowgii”.

Qoyskaani ayaa noqonaaya qoyskii Afaraad ee lagu gubay gurigooda xili ay ku dhex sugnaayen, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay maamulka Pannerden ee dalka Holland.

Ma aha markii ugu horeysay oo Dalka Holland lagu gumaado qoysas Soomaaliyeed, waxa ayna dhacdadaani kusoo beegmeysaa xili dhawaan kooxo kuwaasi lamid ah ay dalka Swedan ku gubeen guryo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com