Afar nin oo aflageedeeyey Nebiga (NNKH) iyo qur’aan oo dil lagu xukumay

Islamabad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa afar nin ku xukuntay dil, kadib markii ay baraha internet-ka ku faafiyeen qoraallo lagu aflagaadeynayo diinta, sida uu maanta sheegay xubin ka mid ah koox “qareenno gaar ah oo is-abaabulay” oo dacwaddan soo oogay.

Afarta nin ayaa lagu xukumay magaalada Rawalpindi, oo ah magaalo ciidan oo ku dhow caasimadda Islamabad, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Rao Abdur Raheem, oo ah qareen ka tirsan Guddiga Sharciga ee Kahortagga Aflagaadeynta Diinta ee Pakistan (LCBP).

Aflagaadeynta diintu waa eedeyn culus dalka Pakistan oo ay Muslimiintu u badan yihiin, halkaas oo xitaa eedeymo aan la hubin ay kicin karaan caro dadweyne oo sababi karta dilal sharciga baal-marsan.

Dalka Pakistan ayaa waxaa aad ugu soo badanayay dacwad-oogista kiisaska “aflagaadeynta diinta ee online-ka”, iyadoo kooxo gaar ah ay dacwado ka dhan ah boqollaal dhallinyaro ah ku soo oogayaan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen falal aflagaadeyn diinta ah.

“Waxaa lagu xukumay dil… Jimcihii, kadib markii lagu helay inay online-ka ku faafiyeen qoraallo aflagaaddo ah oo ka dhan ah Nabiga Muxammad (NNKH) iyo Qur’aanka Kariimka,” ayuu yiri Raheem oo la hadlay AFP Isniinta maanta ah.

“Dacwaddeenna waxaa lagu xoojiyay caddeymo forensik ah oo laga soo uruuriyey aaladihii loo adeegsaday falkan foosha xun,” ayuu raaciyay isagoo ka hadlayay mid ka mid ah dacwadihii ugu dambeeyay ee kooxda LCBP ay soo oogtay.

In kasta oo xukunnadan ay dhaceen, haddana dalka Pakistan weli cidna uma dilin aflagaadeynta diinta darteed.

Xubin ka tirsan koox taageero ah oo ay sameysteen qoysaska eedeysanayaasha ayaa u xaqiijiyay wakaaladda AFP xukunka, wuxuuna sheegay in kooxdu ay racfaan ka qaadan doonto xukunka.

“Hab-socodka xarigga iyo dacwad-oogista kiiskan wuxuu la mid yahay kuwii hore,” ayuu yiri xubintan ka tirsan kooxda taageerada, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni dartood.

“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda inay sameyso guddi baara kororka kiisaskan, ka hor inta aysan dhallinyaradan ku lumin sanadaha ugu wanaagsan noloshooda xabsiyada gudaheeda.”

Inta badan kiisaska aflagaadeynta diinta ee online-ka waxaa maxkamadda horkeena “kooxo gaar ah oo is-xilqaamay” oo ay hoggaamiyaan qareenno, isla markaana ay taageeraan mutadawiciin internet-ka ka baara dadka lagu tuhunsan yahay dembiyadan, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo booliska.

LCBP ayaa ah kooxda ugu firfircoon kooxahaas ka hawlgala dalka Pakistan.

Sheraz Ahmad Farooqi, oo ah mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxdan, ayaa u sheegay AFP bishii Oktoobar ee sanadkii hore in “Ilaahay uu u doortay shaqadan sharafta leh”.

Warbixin ay soo saartay Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee ay dowladdu maamusho bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa lagu sheegay in ay jiraan 767 qof, oo u badan rag dhallinyaro ah, oo xabsiyada ku jira iyagoo sugaya maxkamadeyn la xiriirta eedeymo aflagaadeyn diinta ah.

“Kiisaskan, waxaa si cad loogu tuntay hanaanka sharciga, iyadoo la arkay xadgudubyo habraaceed oo muhiim ah oo dhacay marxalado kala duwan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Xarigga waxaa inta badan fulinayay shakhsiyaad gaar ah halkii ay ka ahaan lahaayeen hay’adaha sharci-fulinta.”

Kiisaska ayaa sanado badan jiitami kara, in kastoo xukunnada dilka inta badan loogu beddelo xabsi daa’in marka racfaan laga qaato Maxkamadda Sare.

Maxkamad gaar ah ayaa la aasaasay bishii Sebtembar ee sanadkii hore si loo dedejiyo tobannaanka kiis ee harsan.