Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay wasaaradda amniga + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga gudaha XFS General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay kulanka muhiim ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda.

Kulankan oo ahaa shirka joogtada ah ee guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta, ayaa waxaa diirada lagu saaraay marxalada ugu muhiimsan ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka oo bishani ay martigelisay wasaaradda amniga gudaha ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta.

Guddoomiyaha guddiga Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ugu horeyn ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha wasaaradda amniga, xasliinta iyo waxqabadka guddiga mudadii uu jiray.

Wasiir Fartaag oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Waxa uuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa haatan dib u abaabuleysa howl-galka dhowrka weji leh ee kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa koowaad kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.