Muxuu ahaa qorshaha James Swan uu maanta u tegay wasaaradda warfaafinta DF? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Wasiirka iyo Danjire Swan ayaa ka wadahadley doorka warbaahinta qaranka ay ka qaadaneyso ajendayaasha muhiimka ah ee dalka, sida dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka iyo arrimaha kale ee hortabinta u Ieh Soomaaliya.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa sidoo kale dul istaagey horumarka ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka gaartey dhanka arrimaha amniga iyo sida Ciidamada Qalabka Sida diyaarka ugu yihiin in marka uu dhammaado Hawlgalka AUSSOM ay la wareegaan amniga dalka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale la wadaagey Wakiilka Qaramada Midoobay horumarka laga gaarey hawlaha dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod ee la qorsheynayo in dalka ay ka qabsoomaan sannadkan iyo sannadka xiga ee 2026-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa bogaadiyay hawlaha u qabsoomay DFS , isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, Isla markaana xoojin doonto iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Waasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqday Kaydka Dhexe ee Cajaladaha ee Warbaahinta Qaranka.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahad celiyay doorka Qaramada Midoobay ay ka cayaartey arrimaha la xiriira taageerada Soomaaliya ee 30kii sanno ee la soo dhaafey, isagoo hoosta ka xariiqay in taageeradaas ay qeyb weyn ku lahayd dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.