Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka oo is kaashanaya ayaa maanta weerar culus ku qaaday tuulooyin ay gobolka Hiiraan uga sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
Mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa ayaa dhacay maanta, waxayna ciidamadu ku guuleysteen in ay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Beero-Yabaal, Bur-Abooto, Eega-Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay howlgalladii maanta dhacay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Korneyl Cabdullaahi Cumar ayaa balan qaaday inay saacadaha socda warbaahinta u soo bandhigi doonaan sawirada meydadka Shabaab-kii ay ku dileen dagaalkii maanta.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyadii cadowgu ay ku dhuumaaleysanayeen, kana furteen hub iyo saanad ciidan oo nooc walba leh.
Ciidamada ayaa weli sii baacsanaya firxadka Khawaarijtii maanta lagu jebiyey dagaalka deegaanadaas looga xoreeyey, sida uu sheegay sarkaalkaan u hadlay militeriga Soomaaliya.
Dagaalka ayaa kooxda looga qaaday Seddax jiho, waxaana kala hoggaaminayey Hoggaamiyaha Macawiisley Cali Jeyte iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid.
Ciidamada waxaa u suurtagashay inay kooxda kala wareegaan bartilmaameedyadii ay ku weerareen, waxaana la isula gudbay deegaano hor leh oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin.