Nairobi (Caasimada Online) – Guux mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka billowday magaalada Nairobi, iyadoo kulamo saacadihii la soo dhaafay ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka arrinsadeen qorshayaashooda.
Xildhibaanadaan ayaa doonaya mooshinka Xamse lagu furo kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka oo furmaya bisha Febraayo.
Ilo ku dhow dhow kulanka Xildhibaannada ayaa sheegaya inuu socdo qabyo qoraalka mooshinka.
Waxay qorsheynayaan in marka uu furmayo Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ay ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiska jooga sannadkiisii saddexaad ayaa haddii uu ka badbaado mooshinka lagu soo beegayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka waxa uu haystaa fursad uu ku noqdo Raysalwasaarihii ugu cimriga dheeraa.
Sida hore loogu arki jiray taariikhda Baarlamanka, Kalfadhiga 6aad wixii ka dambeeya waxaa yaraada awoodda iyo abaabulka Baarlamaanka sababo la xiriira in la galayo dhammaadka muddo xileedkiisa dowladda oo lagu mashquulayo u diyaar garowga doorashooyinka.
Abaabulka Mooshinkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Axmed Madoobe uu joogo Nairobi, dagaalka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Axmed Madoobe ayaa qarxay wixii ka dambeeyey dagaalkii Raaskambooni.
Dagaalka dowladda federaalka iyo Axmed Madoobe ayaa gaaray gacan ka hadal, waxaana ku adkaaday Axmed Madoobe, mar kale ayuu jebiyey go’aankii ay dowladdu uga mamnuucday safarada dibadda ah, wuxuuna Nairobi ka wadaa dagaal siyaasadeed oo ubucdiisu tahay mooshin.