Afar qodob oo kasoo baxay safarkii Rooble ee Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dib gu soo laabtay dalka, kadib booqasho afar cisho oo uu ku tegay gudaha magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa intii uu joogay Isu tegga Imaaraadka Carabta kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee dalkaasi, sida dhaxal sugaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale wuaxa uu la shiray hay’adaha Bisha Cas iyo hay’adaha kale samafalka ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Maxaa kasoo baxay safarka Rooble ee Imaaraadka Carabta?

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu faahiyey qodobada uu ra’iisul wasaaraha kala hadlay xukuumadda Abu Dhabi, kuwaas oo lagu soo koobay afar qodob oo kala ah:-

1- Horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka
2- Fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta
3- Dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas
4- Gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Socdaalka Rooble ee Imaaraadka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro doorasho, sidoo kalena uu taagan yahay khilaaf kala dhexeeyo Farmaajo.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa hooseeyey saddexdii sano ee u dambeysay, kadib markii ay isku dhaceen madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.