Imaaraadka oo mar kale lagu qaaday weerar Drone ah

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay xalay hawadeeda ka qabatay saddex diyaarad oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn (Drone), ayada oo mar kale lagu soo qaaday weerar.

Saddex weerar oo horey loogu qaaday Imaaraadka, oo uu ku jiray mid gantaal oo dhacay Isniintii xilli uu dalkaas booqanayey madaxweynaha Israel ayaa waxaa ka dambeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.

Hase yeeshee Xuutiyiinta ayaan weli sheegan weerarka cusub.

Weerarkii Drone ee Arbacadii ayaa waxaa sheegtay koox aan sidaas loo aqoon oo lagu magacaabo Alwiyaat al-Waad al-xaq ama “Guutada Ballan-qaadka Runta ah” oo qiil ka dhigatay faro-gelinta Imaaraadka ee Yemen iyo Iraq, sida ay sheegtay kooxda Mareykanka ee arrimaha sirdoonka ee SITE Intelligence Group oo la socota website-ka maleeshiyadan.

Weerarka kaliya ee horey ay kooxdan u sheegatay ayaa dhacay bishii Janayao 2021, kaasi oo ahaa mid loo adeegsaday diyaarado Drone ah oo lagu qaaday dalka Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay “inay diyaar u tahay inay ka hortagto halis kasta” ayna qaadeyso “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay u ilaaliso dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay diyaaradaha dagaalka u direyso Imaaraadka Carabta si ay u caawiyaan kadib weeraradii lagu qaaday.

Xuutiyiinta ayaa bilihii dhowaa kordhiyey weerarada ay ku qaadayaan Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya oo qeyb ka ah dagaalka toddobada sano ka socda dalka Yemen.

Weerarki u dambeeyey ayaa noqonaya kii saddexaad oo muddo bil gudaheed ah lagu qaado dalka Imaaraadka, ayada oo weerar ay bartamihii Janaayo ka dhacay Abu Dhabi ay ku dhinteen saddex qof, kuna dhaawacmeen lix kale.

Reuters