27.8 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Afar saac kadib dab ka kacay degmada Guriceel oo la damiyay (Sawirro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay damiyaan dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmadaasi.

Dabka ayaa socday ku dhawaad afar saac, iyadoo dadka ay la daala dhacayeen daminta, waxaana ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka oo khasaaro hantiyadeed geystay.

Ma jirin gaadiid dab damis oo awood leh oo degmada ay leedahay, waxaana taasi ay dhalisay in saacado badan uuro iyo holac hawada qabsadaan.

Ilaa iyo hadda lama sheegin waxyaabaha ka dambeeya dabka ka kacay kaalinta Shidaalka ee Beder, waxaase loo badinayaa in Koronto uu ka dhashay dabka.

Sidoo kale lama sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha hantiyadeed ee dabka uu geystay, waxaana dadka deegaanka ay dalbadeen inay helaan gaadiidka dab damiska si looga hortago dab kale oo magaalada ka kaca.

Maamulka degmada Guriceel ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan khasaaraha ka dhashay dabka, kadibna ay saxaafada ay la wadaagi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News