Ku qabso ku qadi meyside!

Soomaalida marka ay maqlaan cinwaanka maqaalkan oo ah ku qabso ku qadi meyside, durba waxaa ku soo baxayo ama u sawirmayo dhul ama Beero la isku haysto, balse midkan wuu ka duwan yahay midkii ay horey u yaqaaneen ee ahayd hanti adduun oo la isku haysto.

Bishan aynu ku guda jirno ee Marso ayaan Masjidka Macalin Nuur oo ku yaal degmada hodan ee magaalada Muqdisho,  ku arkey cunto bisil oo loo qeybinayo dad masaakiin ah oo saf saf u taagan, halka ay qaarna fadhiyeen.  Waxaa ii soo baxdey in Xasanaad fara badan uu ka socdo goobtaas cuntada lagu qeybinayey, balse ma haysan wax adduun lacageed ah oo aan ku darsado sadaqadaas la qeybinayey, waxaanse go’aansadey qaab cilmiyeysan oo ah ku qabso ku qadi meyside xasanaadka goobtaas ka socdey oo muddo bil ah soconayo.

Waxaan si hal haleel ah ugu tagey Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur oo dowladihii Sheekh Shariif iyo Farmaajo ka soo noqdey Wasiirka Madaxtooyada, muddo Afar sano ahna ahaa Xildhibaan Qaran, balse waqti xaadirkan mas’uul ka ahaa hawsha sadaqo qeybinta.

Waxaan u gudbiyey codsigeyga ku saabsan sidaan ula sheer gareen lahaa Xasanaadka goobtaas ka socdo.  Waxaan ka codsaney in maalin walbo la ii dhiibo cunto baceysan oo aan u qeybiyo masaakiinta aan calafka u yeelan in ay goobtaas soo gaaraan.  Nasiib wanaag wuu iga ogolaadey, wuxuuna amar ku baxshey in la ii dhiibo cuntada aan codsadey, maalinta qiyaamahana rabbi igula xisaabtami doono meesha ay ku baxdey. ALXAMDULILAAH, WAXAAN XASUUSTEY HAL KU DHIGGII AHAA KU QABSO KU QADI MEYSIDE, oo aan u isticmaaley sidii uu rabbi ugu tala galey, illaa waqti xaadirkana waxaan ku kuda jiraa cunto qeybintii.

Waxaa Qorey: Abdullahi Said Elmi (ILKACASE)