AFAR Soomaali oo walaalo ah oo dhacdo naxdin badan ku geeriyooday mar qura

Jigjiga (Caasimada Online) – Afar Nin oo walaalo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay isku mar ku geeriyoodeen ceel biyood ay ku dhaceen, kaasi oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhow magaalada Jigjiga ee xaruntada dowlad deegaanka Soomaalida.

Ceelka oo ku yaala Togga-Faafan ee tuulada Hora-hawd ayaa waxa hore u qoday Afarta Nin si ay biyo uga cabaan, hase yeeshe waxa uu ugu dambeyntiina sababsaday naftoodii, xilli ay doonayeen inay waraabiyaan beer ku taala togaas.

Sida ay sheegen ehellada Afarta Nin waxaa meydkooda ceelka laga soo saaray lix saac kadib markii ay ku dhaceen, markii uu ku wargeliyay mid kamid ah shaqaalaha beerta ka shaqeynayey.

Waxaa lagu aasay meydadka Afarta Nin isla tuulada Hora-hawd, waxayna dhacdadaan noqotay mid ay si weyn uga naxeen dadka deegaanka, maadama oo raggaas si weyn looga yaqaanay deegaankaas.

Dhacdadan naxdinta leh ee ay halmar ku wada dhinteen Afarta Nin ee walaalada ah ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, oo argagax hor lehna ku abuurtay dadka deegaanka.