Daawo: Cali Guudlaawe oo sameeyey ballanqaad la xiriira doorashada Aqalka Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo Maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, ayaa sameeyey ballanqaad ku aadan doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan la qaban doono.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in si nabad ah ugu soo geba-gabowday dhawaan qabashada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku leeyahay Maamulka HirShabeelle, si cadaalad ahna ay u qabteen.

Waxaa uu sheegay in arrimaha doorashooyinkii ka dhacay HirShabelle ay aheyd mas’uuliyad gaar ah oo saarneyd, waajibkii looga baahnaa ee ahaa inay si Cadaalad ah u qabtaan ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu dambeyn sheegay inay ka go’an tahay in si lamid ah doorashadii Aqalka Sare ay u qabteen uu u ballan qaadayo inay u qaban doonaan doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu kula kulmo Wakiilada Beesha Caalamka, Madaxda Federaalka, Musharixiinta, Siyaasiyiin & dhinacyo kala duwan oo xooggooda uu kala hadlayo Doorashada Golaha Shacabka.

Maamulka HirShabelle ayaa noqday maamulka kaliya ee si caddaalad ah u qabtay doorashada Aqalka Sare, waxaana arrintaas lagu ammaanay Guudlaawe oo qaatay go’aan geesinimo leh.

Dhawaan ayaa la filayaa inay maamul Goboleedyada dalka bilaabaan doorashada xubnaha qalka hoose ee Golaha Shacabka, waxaana jira digniino laga bixinayo in la sameeyo musuq maasuq lamid ah midkii Aqalka Sare.