Sidee ku dhaqan galayaa go’aanka Maxkamadda ICJ ee kiiskii Somalia iyo Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Caddaalladda Adduunka ayaa shaley qeyb libaax u xukmisay Soomaaliya dhulkii badda ee lagu muransanaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya waxay ku gacan seyrtay go’aanka maxkamadda, islamarkaana ka digtay in uu waxyeelayn doono xiriirkii labada dal, halka Soomaaliya ay si weyn usoo dhoweysay.

Dr. Axmed Cali Khayre oo ah sharci yaqaan ayaa ayaa ka waraamay  sida uu ku dhaqangeli karo go’aanka kasoo baxay maxkamadda marka loo fiiriyo xeerarka caalamiga.

“Maxkamadda ciidan iyo boolis arrinta hirgeliya ma lahan, marka qaab sharci ah ay xukunka ku rido maxkamadda, dalalka inta badan wey aqbalaan, xukunka sharci ayuu noqanayaa sababta oo ah Maxkamaddii Caddaaladda Adduunka ayaa gaartay ,sharci ahaan haddii maxkamadda go’aankaas gaartay wuxuu noqonaya mid sax ah,” ayuu yiri Dr. Khayre.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena.

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Si kastaba, madaxweynaha Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in Kenya aysan aqbaleyn, islamarkaana aqoonsaneyn go’aanka Maxkamadda.