CC SHAKUUR oo si adag uga fal-celiyey khudbaddii FARMAAJO – “Kama filaynin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ee Mudane C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka falceliyey khudbadii uu xalay jeediyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ka hadlay go’aankii kasoo baxay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsam ayaa shaaca ka qaaday inay lama filaan ku noqoto in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qiro kaalintii uu isaga ku lahaa dacwadda badda ee ay inta badan ku guuleysatay Soomaaliya.

Wuxuu dhanka kale tilmaamay inuu aad ula yaabay sida xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu mugdi usii gelinayo is-afgaradkii la saxiixay sanadkii 2009-kii.

“Kama filaynin nin gurigeyga igu soo weeraray in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa, laakiin waxaan la yaabay in isaga iyo CBB-da xaafiiskiisa ay weli isku deyayaan in ay mugdi geliyaan Is-afgaradkii 2009-kii la saxiixay,” ayuu qoraalkan ku yiri CC Shakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaasi ku daray “Waxaan kala garan waaye in aqoon darri u geysay iyo in cadowtinnimo halkaa la gaartay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maxkamadda iyo qareenadii u doodayey Soomaaliya ay isla qireen in is-afgaradkii horey u dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya uu laf-dhabar u ahaa dacwadda badda ee ay hadda guusha weyn ka gaartay dowladda federaalka.

“Garsoorihii Maxkamadda, qareennadii ajnabagi ahaa iyo kuwii Soomaalida ahaa waxay qireen in is-afgaradku uu lafdhabar u ahaa badbaadinta baddeenna,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, dacwadda badda ee haatan la soo gaba-gabeeyey ayaa muddo dheer soo jiitameysay, waxaana ay soo bilaabatay 2014-kii, iyada oo heerar kala duwan soo martay.