DAGAALKA warbaahinta qaranka ee Farmaajo iyo Rooble oo sii xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka dhinaca warbaahinta Qaranka ee u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ka sii daraya marba marka ka dambeysa, kaas oo sameyn weyn ku yeeshay shaqada Tv-ga & Raadiyaha dowladda.

Khilaafka sii xoogeysaneya ayaa waxa uu dhaliyey in wararka qaar ee ka imaanaya dhinaca madaxweynaha aan laga sii deyn warbaahinta qaranka, gaar ahaan  Tv-ga iyo Raadiyaha.

Dooda ayaa kasii dartay xalay, kadib markii xilli dambe khudbadda madaxweynaha ee go’aanka ICJ laga sii daayey Telefishinka Qaranka, taas oo hadal heyn badan dhalisay.

Agaasimaha Telefishinka Sharmaake Maxamed Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo jeediyey Tv-ga ee ku aadan inay daahiyeen khudbadda Farmaajo, wuxuuna shaaciyey in goor dambe loo soo diray, kadina ay sidaasi ku daayeen.

“Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in khudbaddii Madaxweynaha ee xalay ay na soo gaartay goor dambe, isla markii ay na soo gaartayna aannu soo gelinay TV-ga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka.

Sidoo kale maamulka Telefishinka Qaranka ayaa eeda dhabarka u saaray dhanka xafiiska madaxweynaha, wuxuuna ku dhaliilay in xarumo kale oo warbaahineed uu ku horreysiiyey muuqaalka, gaar ahaan khudbadda uu xalay jeediyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

“Daahista khudbaddu waxa ay ka timid xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo meelo kale ku horreysiiyey,” ayaa lagu yiri markale qoraalka ka soo baxay maamulka Tv-ga.

Dhinaca kale wuxuu maamulku beeniyey in taageerayaal badan ay Followers iyo Like-ta kala laabteen Page-ka Tv-ga Qaranka oo haatan heysta in ka badan hal milyan oo qof.

“Ma jirto taageeryaaal (followers) ka laabtay page-ka SNTV, waxa na follow gareeyay 1.2 million oo qof waana sidoodii. Sidoo kale waxa SNTV jecel ama like siiyey 762 kun oo qof. 

Hadalka ka soo yeeray maamulka Telefishinka Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli xalay agaasimaha dhanka warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ka hor khudbadda madaxweynaha uu shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay ka daawan karaan Telefishinka Universal, taas oo muujineyso in weli uu meel sare gaarsiisan yahay khilaafka madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday iyo Rooble oo sameeyey hay’adaha kale.