Uhuru oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay Maxkamadda ICJ ka gaartay kiiska badda

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku gacan seeray go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ka gaartay kiiska murankii badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya dalbatay, waxayna Maxkamadda inta badan dhul-badeedkii la isku hayey siisay Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaya go’aanka, ayaa Kenyatta wuxuu sheegay in natiijada ay aheyd mid “labada dhinac uu mid la laabtay waxba,” wuxuuna sheegay in Kenya aysan aqbaleyn oo aysan aqoonsaeyn.

Kenyatta ayaa yiri “ma damacsani inaan ka tago dhaarteeda qaranka; waxaana sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo, ka taliyaha Ciidamada Qaranka ahaan, si aan u ilaaliyo dhulka Jamhuuriyaddan weyn.”

Waxa uu ku dooday in go’aanka uu tusaale u yahay “sii socoshada ka ka tallaabsashada sharci ee ICJ, uuna abuuray su’aal aas-aasi ah oo ku saabsan xushmadda ay dalalka madax-banaan u hayaan hanaanka cadaaladda caalamiga ah.”

“Xaqiiqdii, Kenya waxay shaki ka qabtaa in dal uu kasoo dhex muuqan doono kiis sidan oo kale ah,” ayuu yiri. 

“Maxkamadaha caalamiga ah waxay sharciyadooda la egtahay inta dal uu u ogol yahay,” ayuu yiri isaga oo ku sugan New York, halkaasi oo uu ku guddoomiyey shirka Golaha Ammaanka.

“Sidaas darteed, Kenya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay abuuraan deegaan awooda raadinta heshiis laga wada-xaajooday. Go’aankan wuxuu wiiqi doonaa xiriirka labada dal.”

Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ka digay inay suurta-gal tahay in go’aankan uu sii xumeeyo xaaladda nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika oo markii horeba aan cago adag ku taagneyn, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena.