Afar su’aal oo ka dhashay shirka Farmaajo iclaamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo wata lama filaan ayaa ka dhashay shirka uu xalay mar kale madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Su’alaaha badankood kama taagna shirka ee waxay ku qotamaan xilliga lagu dhowaaqay iyo xilliga la qorsheeyey inuu shirka dhacao, haddiiba ay ogoladaan madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland, oo horey u diiday inay shir dambe la galaan Farmaajo, ayada oo aan la fulin shuruudo dhowr ah.

Su’aalaha shirkan ka dhashay ayaa waxaa ka mid ah.

1 – Maxay Villa Somalia u dooratay inay shirka iclaamiso saacado un kadib markii uu dhammaaday shirkii ra’iiusl wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, islamarkaana Rooble ku dhowaaqay guddi baaraya dhacadadii ay ciidamada dowladda ku weerareen dibad-baxayaal 19-kii Febraayo. Madaxtooyada oo horey caan ugu aheyd in mar kasta oo war aysan jecleysan uu bulshada ku dhex-baaho, ay ku disho mid kale, ma sidaas oo kale ayay ka damacasaneyd iclaaminta shirkan? Maxay xitaa ugu sugin illaa maanta?

2 – Maxaa shirka uu iclaamiyey Farmaajo loogu beegay Khamiista, oo ah isla maalinta ay shir saddexaad u ballan-san yihiin Midowga Musharaxiinta iyo Rooble. Ma madaxweyne Farmaajo ayaa ka shakiyeey doorkii Rooble, oo hadda u muuqda inuu la wareegayo talada maamulka doorashada, sidaas darteedna loo iclaamiyey shir uusan qeyb ka noqon doonin, maadaama uu ballan kale dhigtay, xilli uu shirarkii hore ee doorashada ka qeyb-galay? Ma shirkan ayaa lagu dilayaa saameynta iyo hadalka-haynta shirka Rooble iyo mucaaradka ee 4-ta Maarso?

3 – Shirkan ma waxaa hoos loogu dhigayaa heshiiska Rooble iyo Musharaxiinta, ayada oo meesha laga saarayo sheekada ah saamileyda ha ka qeyb galaan shirarka soo socda, xilli ay jiraan warar sheegaya in shirka saddexaad ee Rooble iyo Mucaaradka arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii ay musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen wada-hadallada ku saabsan doorashada?

4 – Ma Rooble ayaa gaaday mucaaradka, oo isaga iyo Farmaajo ayaa is og, oo tani waa cayaar siyaasadeed lala dheelalayo mucaaradka, mise Rooble ayaa markii horeba muujiyey awood iyo go’aan siyaasadeed oo uusan laheyn, oo isaga naftiisa ayaaba sidaas loogu cayaaray?

Jawaabo badan waxay soo bixi doonaan saacadaha iyo maalmaha soo socda, hase yeeshee waxaa muuqata in cayaarta siyaasadda Soomaaliya aysan weli fari ka qodneyn?