Mucaaradka oo ka horyimid qorshaha Farmaajo, kuna eedeeyey ‘xagal-daacin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo goordhaw soo saaray war-saxaafadeed ayaa nasiib-darro iyo xagal-daacin ku tilmaamay shirka uu madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo loo asteeyey inuu Muqdisho ka dhaco 4-ta bishan.

Musharaxiintu waxay sheegeen in wadahadalladii ay la yeesheen ra’iisul wasaare Rooble laga gaaray isfaham horu-dhac ah, kaas oo dejiyey culeyskii iyo xaaladdii kacsanaanta ahayd ee dalka ka taagnayd, gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida ay qoraalkan ku sheegeen.

“Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhinac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 04/03/21 si loo dhammeystiro arrimaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelanaysa  mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka,  maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahadallada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka midowga musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagaldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.”

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka digay cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashaliyo wadahadalladaas u socda iyaga iyo ra’iisul wasaaraha, waxayna dalbadeen in fursad la siiyo wadaxaajoodka socda.

Dhinaca kale midowga musharaxiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kala soo qayb galaan Muddaharaadka maalinta Sabtiga ah ee 6-da bishan, kaas oo ka dhacaya Daljirka Dahsoon.

“Goluhu wuxuuna Xukuumadda ugu baaqayaa in ay gudato waajibka sugidda amniga shacabka iyo dibadbaxayaasha sida heshiisku ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa raysalwasaaraha, madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada, iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon tallaabooyinka gurracan ee uu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ku carqaladaynayo xasilloonida dalka iyo xal u helidda geeddi socodka doorashooyinka.”