Afar waxyaabood oo uu xambaarsan yahay safarka Farmaajo ee Shiinaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan dalka Shiinaa, waana markii ugu horreysay oo uu madaxweynaha u socdalaayo tan iyo markii uu xafiiska yimid.

Xubno ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno iyo shaqaale ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa safarka ku wehliya madaxweyne Farmaajo, haddaba Shabakadda Caasimadda ONline  waxay ku istaagtay  afar waxyaaboood oo uu xambaarsan safarka madaxweynaha uu ku aadaya wadanka Shiinaha.

  1. Hagaajinta Xiriirka labada dal: Soomaaliya iyo China waa laba dal oo uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah, waxaana China ay sida badan ka mid aheyd wadamada taageera Soomaaliya, sidaas darteed wuxuu madaxweynaha kala hadli doonaa in dib boorka looga jafo xiriirka labada dal gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo maalgashiga.
  2. Dib u dhiska: Shiinaha waxey dhiseen goobo badan oo ku yaalla Soomaaliya sida: Garoonka Stadium Muqdisho oo ay shalay ka baxeen ciidanka Amisom, waxaana madaxweynaha uu China ka codsan doonaa iney dib u dhisaan goobaha taariikhiga ah oo uu ugu horreeyo garoonak Stadium Muqdisho.
  3. Belt and Road Initiative jidka: Soomaaliya kama mid ahan wadamada saxiixay jidka loo yaqaano Belt and Road Initiative oo ay Shiinaha isugu xiraayaan adduunka oo dhan, sidaas darteed waxaa la rajeynayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixi doono.
  4. Madasha Focac: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu kaga qeybgalo wadanka Shiinaha shirka madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ay kala qeyb gali doonaan 54-wadan oo African ah.

Farmaajo oo sidoo kale la filayo inuu safar dheer ku aado dalka Mareykanka ayaa marka hore la filayaa inuu dib ugu soo laabto Muqdisho si uu u furo kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo aan shirin afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com