Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshaha imaashihiisa magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia ayaa ka qeybqaatay soo dhaweynta ex Madaxweyne Xasan Sheekh oo waayadan deegan ku ahaa dalka dibadiisa.

Soo dhaweyn kadib Xasan Sheekh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho ay tahay mid la xiriirta arrimo gaar ah, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka dib ugu soo laabto mudo sanad ka badan oo uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlaayay sababta ugu weyn ee uu u yimid magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay tahay inuu xog ogaal u noqdo xaaladaha ka jira dalka, islamarkaana uu ogaado xaalada siyaasadeed, mid dhaqaale iyo dhan walba ee dalka uu marayo.

Waxa uu sheegay in la socodka arimahaasi kadib uu qaadan doono go’aan Siyaasadeed waxa uuna intaa raaciyay inuu  la imaan doono ra’yigiisa siyaasadeed, maalmaha soo socdana ay jiri doonaan kulamo iyo wada sheekeysi caadi ah.

Nuqul kamid ah hadalka Xasan Sheekh  ayaa ahaa “Waxaan u imaaday inaan dalkii xog ogaal ka noqdo, inaan dadka kala war qaadano, marka aan intaas sameeyo ayaan la imaan doonaa ra’yigeyga siyaasadeed.”

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in la socoshada xaalada dalkiisa uu u imaado magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha Xasan Sheekh ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili 10-ka bisha soo socota la filayo inuu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com