Sawirro: Sidee Xasan Sheekh loogu soo dhaweeyay magaalada MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo Siyaasiyiin dhowr ah oo ka kala tirsan Xisbiyada Mucaaradka.

Wasiirada soo dhaweeyay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga, Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliya.

Socdaalka madaxweynihii hore ee Somalia ayaa la sheegayaa inuu yahay arrimo la xiriira sidii loo sameyn lahaa xisbi wayn oo mucaaradka dowladda qayb ay uga yihiin si doorashada soo socota uu uga qayb galo.

Xasan Sheekh oo tan iyo markii talada dalka Somaliya looga guulaystay ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa hadda u muuqda mid doonaaya sameynta dhinacyo mucaarad.

Imaanshihiisa Muqdisho Madaxweynihii hore ee Somaliya waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo shalay Madaxweyne Farmaajo uu safar ugu ambabaxay dalka Shiinaha.