CC Sharmaarke midkee u fudud Farmaajo iyo Gaas?

Muqdishoi (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto saaxada siyaasadda isagoo midkood u hanqal-taagaya Villa Somaliya iyo Puntland.

Mr. Sharmaake oo hadda ah xubin ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalooyinka Nairobi iyo Dubai, wuxuuna sadexda bilood ee soo socota go’aan ka gaari doona musharaxnimadiisa Puntland, balse dad ku dhaw waxey noo sheegeen in sadexdaas bilood uu tijaabin doono inuu ridi karo farmaajo.

Cumar Cabdirashiid waxaa lagu eedeeyaa inuu gacansaar la leeyahay dowladda Imaaraataka, waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu isaga ka dambeeyay laba mooshin oo fashilmay isla markaana la damacsanaa in lagu rido Farmaajo, wali waxaa la aaminsan yahay inuusan dhamaan damaciisii ahaa inuu Farmaajo ka badali karo Villa Soomaaliya, wuxuuna leeyahay saaxiibo badan oo siyaasadeed iyo xildhibaano isaga taabacsan, lamina dafiri karo awoodiisa maaliyadeed.

Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu furmi doonaa horaanta bisha September, Cumar Cabdirashiid iyo xulafadiisa waxey mar kale isku dayi doonaan mooshin lagu ridaayo madaxweyne Farmaajo, hadii ay taasi u suurtagasho Cumar Cabdirashiid waa musharax madaxweyne, laakiin hadii ay taasi suuragal noqon weyso wuxuu isku sharaxi doonaa xilka madaxtinimada Puntland.

Waxaa la rumeysan yahay in dowladda Imaaraatka ay diyaar u tahay iney lacago xoogan ku taageerto Ra’isulwasaarahii hore Soomaaliya, inuu Sharmaake isku soo sharraxo doorashada Puntland waxey dhabarjab ku tahay madaxweynaha xilligaan Cabdiwali Gaas sababtoo ah tookada waxey mareysaa reer Ciisee Maxamuud, sidoo kale Imaaraatka oo uu garab ka heli lahaa Gaas waxey u wareegayaan dhanka Cumar Cabdirashiid.

Sidaas darteed lixda bilood ee soo socota ayaa la sugi doonaa hadii uu Farmaajo ka adkaan karo iyo Cabdiwali Gaas midkood, laakiin xeeldheerayaasha siyaasadda waxey leeyahiin waxaa u haboon inuu isku sharraxo madaxtinimada Puntland taasoo la rumeysan yahay inuu ku guuleysan karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com