Maxaa ugu wacan dhaqan gal la’aanta amarada kasoo baxa xafiiska G/G/Banaadir? (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka soo saaray amaro iyo digniino loo diraayo ganacsatada iyo shacabka magaalada Muqdisho.

Amarada iyo digniinada oo ay kusoo baxayeen wareegtooyin kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow, ayaa intooda badan aan ka dhaqan galin magaalada Muqdisho.

Digniimada iyo amarada qaarkood ayaa u muuqday kuwo aan laga fiirsan waxaana xusid mudan in lagu degdegay maadaama shacabka magaalad Muqdisho ay yihiin kuwo iminka baranaya nidaamka dowladeed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku xiran Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, ayaa lagu eedeeya in inta badan uusan ka fiirsan hananka la dhaqanka shacabka Muqdisho, isagoo ku shaqeeya talooyin ay siiyan dhinacyada uu ku xiran yahay.

Dadka magaalada Muqdisho qudhooda ayaan u nugleyn aqbalaada amarada kaga imaanaya maamulka Gobolka Banaadir, taa oo ay ugu wacan tahay inaanu jirin xafiis maamulka Gobolka u qaabilsan dhaqan galinta amarada soo baxa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo xiliyada qaar isla xiliga uu soo baxo amarka lagu bedelo dhaliilo.

Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale tabaaya canshuuraad joogta ah oo laga qaado, iyadoo aan la ogeyn halka la mariyay taa oo dhalanrogtay rajadii ay shacabka ku aqbali lahaayen amarada maamulka Gobolka.

Sidoo kale, dhaqan gal la’aanta amarada kasoo baxa Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa ah inaanu jirin isla xisaabtan iyo dabagal dheeri ah oo ku saleysan howlgalinta wareegtooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan lagu sameyn doono isbedel ayaa xiligan u muuqanaaya kuwo isku eegaya shaqooyinka loo igmaday, waxaana xusid mudan inuu jiro maamul xumo dhanka xafiisyada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com