Afartii sano ee FARMAAJO: Arrimaha uu ku guuleystay iyo kuwa uu ku fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka dastuuriga ah ee afarta Sanno ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillaahi Maxamad Farmaajo oo xilka loo dhaariyay 8-dii Febraayo 2017 kadib doorasho uu kaga guuleystay madaxweynihii isaga xafiiska uga horeeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Muddo todobaada ka dib ayuu Madaxweyne Farmaajo xafiiska Villa Soomaaliya kala wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo todobaadkii xigayna munaasabad weyn lagu caleema saaray taas oo ka dhacday isla hoolkii lagu doortay.

Khudbadii uu ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo caleema saarkiisa iyo kuwii uu jeedin jiray intii uu olollaha ku jiray farqi weyn ayaa u dhaxeeyay, isagoo balanqaadayadii uu sameeyay doorashadiisa ka hor aad moodaysay in afarta sanno ee uu xafiiska joogo ay wax kastaahi hagaagi doonaan,.

Balse khudbadiisii caleema saarka ayuu hoos u dhigay filashooyinkii khudbadihiisii hore xambaarsanaayeen isagoo sheegay in dhibka dhawr iyo labaatan jirsaday sida uu isagu rumeysnaa uu u baahnaanayo dhawr iyo labaatan sanno oo kale si xal loogu helo.

Inkastoo filashooyinku dadka ka haysteen madaxweynaha uu isaga lagftigiisu qiray caqabadaha ku horgudban ayaa haddana waxa jiray qodobo aasaasi ah oo ay ahayd inuu dhameeyo inta uu xafiiska joogo kuwaas oo qaarkood ay dawladdihii isaga ka horeeyay ku guuldareysteen.

Waxaa qodobadaasi ka mid ah in dalka lagu soo dabaalo amni iyo xasilooni, dhamaystirka dastuurka, dib u qaabaynta hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa caddaalada, iyo arimaha siyaasadda oo ay ugu horeysay inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Guulaha farmaajo

Dr Shariif Cusmaan oo ah aqoonyahan ka faalooda dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa sheegaya in waxyaabo badan ay u qabsoomeen dowladda madaxwayne Farmaajo.

“Ciidanka tababarkiisa iyo dib u-habayntiisa, bixinta mushaarkiisa iyadoo shaqaalaha dawladda oo dhan mushaarkoodu si joogta ah u baxayay, hirgalinta deeqaha mashaariicda caalamiga ah sida dhismaha wadada Muqdisho illaa Afgooye, cafinta daymihii lagu lahaa Soomaaliya, dakhliga soo gala dawladda Soomaaliya oo kor u kacay marka loo eego sannadihii la soo dhafay iyo sidii loo maareeyay cudurkii COVID-19 marka la fiiriyo canshuur dhaafkii loo sameeyay cunnooyinka qutul daruuriga ah” ayuu yiri Dr Shariif.

Dr Shariif Cusmaan waxa kale oo uu sheegay in sida loo wajahay fargalinta dallalka dariska ah ay ahayd talaabo dawladdu ku amaannan tahay.

“Sida loo wajahay faragalinta Kenya iyadoo loo isticmaalay kaarka qaadka oo markii ugu horeysay si toosa loo joojiyay, faragalintii ka imaan jirtay xagga Itoobiya oo saaxiibtinimo loo badalay ayaa kamid guulaha dawladda” ayuu intaa ku daray Dr Shariif.

Amniga

Inkastoo guulahaa la sheegay inay gaartay dawladdu afartii sanno ee ay jirtay haddana waxa jira waxyaabo halkoodii aan ka dhaqaaqin oo amnigu kow ka yahay sida uu rumeysan yahay Xuseen Macalin oo madax ka ah machadka Hiraal ee ka faalooda arimaha amniga horeyna la taliye dhinaca amniga ugu soo noqday madaxweyne Farmaajo.

“Afar Sanno madaxweyne Farmaajo wax la sheegi karo oo amniga uu ku soo kordhiyay ha noqoto ciidan iyo qaabkii dib loogu dhisi lahaa wuu ka gaabiyay oo waxba kama fulin heshiisyadii amniga qaranka”. ayuu yiri Xuseen Macalin

Dagaalka Al-Shabaab isna waxbadan lagama qaban afartii sanno ee la soo dhaafay sida uu qabo Xuseen Macalin.

“La dagaalanka Al-Shabaab oo ahayd haddii la barbardhigo afartii sanno ee ka horeysay iyo tii ka sii horeysay intaba, magaalooyinka Shabaab laga xoreeyay aad uga yartahay, labo ayaa ku soo siyaaday xiliga Farmaajo, kuwa kale ee ka horeeyayna qaar dhawr iyo labaatan, qaarna dhawr iyo toban ayay ku guuleysteen, marka Farmaajo xiliga afarta sanno ah la eego amniga waxay ila tahay inuu ka jiro gaabis”.

Arimaha dastuurka oo soo jiitamayay tan iyo markii la hirgaliyay midka kumeel gaarka ah ee hadda lagu dhaqmo 2012 kii ma jirin dastuur la dhamaystiray oo la mariyay hannaankii uu ku noqon lahaa mid buuxa.

Dawladda madaxweyne Farmaajo waxaa looga fadhiyay soo gabagabeynta dib u eegista dastuurka, balse afartii sanno waxay dhamaatay iyadoon la dhamaystirin oo aan afti dadweyne loo qaadin.

Xigasho: BBC