Beesha caalamka oo war xasaasi ah kasoo saartay doorashooyinka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha dalalka beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda adag ee kala guurka ah, doorashooyinka 2021-ka iyo shirkii wada-tashiga Dhuusamareeb.

Qoraalkan oo ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada socda ee ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in horumar laga sameeyey qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb kuwa kalena lagu kala tegay, balse ay rajeyneyso in markale laga wada-hadlo, si loo sii amba-qaado dadaallada socda ee doorashooyinka 2021.

“Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda kale inay muujiyaan tanaasul, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka dalka, iyada oo la ilaalinayo danta guud ee qaranka.

Ugu dambeyn wakiilada ayaa ka digay in la qabto doorasho aan heshiis lagu aheyn, waxayna shaaciyeen in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

“Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka”, ayaa markale lagu yiri qoraalka

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay kasii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana haatan dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.