Afduub ay Al-Shabaab ka geysteen Hiiraan oo qarka u saaran inuu yeesho waji qabiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan dad gaaraya illaa 15 qof oo shacab ah, oo kasoo jeeda beesha Xawaadle ka afduubatay gobolka Hiiraan, ayaa waxa laga yaaba inay colaad ka dhex abuurto beelaha Xawaale iyo Gaaljecel.

Xog laga helayo arrintan ayaa waxay sheegaysaa in dadkan lagu haysto deegaanka Buqda oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana loo afduubtay inay u dhasheen beesha Xawaadle oo dagaal kula jirta Al-Shabaab

Khilaaf iyo muran ka dhashay arrintan ayaa sababtay inuu iska hor imaad dhexmaro sarkaalka Shabaab ka tirsan oo kasoo jeeda beesha Xawaadle iyo rag kale oo kooxda ka tirsan oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, sida laga soo xiganayo illo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in Shabaab ay markii dambe dishay sarkaalka iyo ilaalo uu watay, wuxuuna dilkiisa hadda qarka u saaran yahay in waji qabiil ay isku beddesho arrinta dadka la afduubtay ee u dhashay beesha Xawaadle.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in khilaafka xoogan oo arrintaan la xiriirta ka dhex taagan yahay Shabaab dhexdiisa, ayada oo gaartay saraakiisha ugu sareysa kooxda ee ku sugan Jilib.

Afduubka ay billowday Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dambe walaac xoogan ku abuurtay dadka deegaanka oo markii hore culeys kala kulmayay howl-galada iyo dagaalka haatan ka socda gobolkaasi.

Si rasmi ah looma oga in arrintaan ay Shabaab ka leedahay qorshe isku dirka beelaha ah, xili uu dagaal xoogan oo qeyb ka yihiin uu ku socdo kooxda, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan gacanta ku haysay.

Si kastaba, Hiiraan ayaa ah gobolka uu ka soo billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya oo deegaano iyo degmooyin horleh ka qabsatay kooxda, kadib dagaalo ay qaadeen ciidamada xooga iyo kuwa deegaanka.