Afduub ka billowday duleedka Muqdisho iyo dhallinyaro laga bixiyey madax furasho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi xooggan ayaa lasoo daristay dadka ku nool duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii ay ka dhaceen falal is daba joog ah oo guryahooda looga afduubtay wiilal dhallinyaro ah, labadii todobaad ee ugu dambeysay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kooxo hubeysan ayaa todobaadkii hore oo kaliya deegaanka Ceelasha Biyaha ka afduubtay 4-qof oo 3 kamid ah ay yihiin dhallinyaro da’dooda ay u dhaxeyso 13 ilaa 16, halka qofka kalena uu ahaa oday 60-sano jir ah.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, dhammaan dadkaan oo qaabab kala duwan loo afduubtay ayaa lasoo daayey, kadib markii ehelladooda laga qaatay lacag madax furasho ah.

Maxamed Saadaq oo kamid ahaa dhallinyarada la afduubtay, islamarkaana la hadlay telefishinka Universal TV ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay jir dil xoog leh u geysteyn marka la afduubanayey, xilli uu u socday Masjid u dhow gurigiisa.

Maxamed ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay geeyeen meel cid ah oo aysan dad ku nooleyn, wuxuuna xusay in lasoo daayey markii eherlkiisa laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaareysa 300 Dollar.

“Aniga oo gurigeyga kasoo baxay una socdo masjidka gacantana ku heysto Moobeel ayaa waxaa iga soo hor baxay gaari ay saarnaayeen dabley hubeysan, waxaana u heystay inay moobeelka iga dhici rabaan, moobeelkii ayaan tuuray, kadib waxaa la igu bilaabay rasaas, waxaa soo dagay niman hubeysan, kadibna gaariga qeybta dambe ayaa la igu tuuray, waxayna i dhaheyn ma hadin kartid,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay Universal TV.

Maxamed oo ka hadlayey halka la geeyey ayaa yiri “Waxaa la i geeyey meel dhinaca duurka ah ka xigta Lafoole, gaariga waa la iga dajiyey, waxaana la igu hayey bistoolad.”

Leyla Cabdi oo ah hooyada dhashay Maxamed oo kamid ah dhalinyarada la afduubtay ayaa sheegtay in markii ay wiilkeeda weysaneyd saacado ay lasoo xiriireyn dableyda afduubtay.

“Markii aan saacado waayey wiilkeyga, waxaa ila soo xiriiray wiilkeyga oo oynaaya, wuxuu igu dhahay lacag haddii aan la iga bixin waa la i dilayaa, wuxuu iigu dhiibay nimankii afduubtay, waxayna igu dhaheyn 5 daqiiqo haddii aadan 300 Dollar soo dirin wiilkaaga oo meyd ah ayaad arki doontaa,” ayey tiri hooyo Leyla.

Hooyadaan ayaa sheegtay in ugu dambeyntii ay bixisay lacagtii laga rabay ee madax furashada ah, sidaas wiilkeeda lagu soo daayey.

Falalka afduubta ah ee kusoo badanayo Ceelashada Biyaha ayaa cabsi xoog leh ku abuuray dadka deegaanka, waxaana durba bilowday barakac ay sameenayaan qaar ka tirsan Shacabka halkaas dagan.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga wiilka la afduubtay iyo hooyadiisa