Sawirro: Puntland oo maanta duulimaadyada caalamiga u fasaxday garoonka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u daah-furtay duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kadib markii dib u dhis ballaaran iyo dayactir lagu sameeyey dhismaha garoonkaasi diyaaradeed.

Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) oo ah wasiirka duullista hawada iyo garoomada Puntland oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha caalamiga ah ay kasoo degi karaan garoonka weyn ee magaalada Boosaaso, sidoo kalena ay ka dhoofi karaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in duulimaadkan uu noqon doona mid joogto ah, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan, sidii loo sii horurmarin lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka maamul ahaan ka go’an tahay horumarinta duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ee maamulka Puntland.

“Waxaa naga go’an horumarinta Duullimaadyada Gudaha iyo Caalamiga ee Puntland si ay u fududaato isu socodka dadka reer Puntland,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Lugatoor.

Duulimaadkan cusub ee ay Puntland ku soo kordhisay garoonka  Boosaaso ayaa noqon doono mind maalin kasta oo Talaado ah,waxaana sameyneyso shirkadda Halla Airlines.

Sidoo kale wuxuu duulimaadkan isku xiri doonaa magaalada Shaariqa ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Si kastaba, Puntland ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka Carabta oo mashaariic kala duwan ka fuliyo deegaanada maamulkaasi.