Soomaaliya oo xil muhiim ka qabatay gole ka tirsan QM

Geneva (Caasimada Online) – Danjire Ebyan Saalax oo Soomaaliya ku matasho golaha xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa loo doortay xil muhiim ah oo kamid ah xilalka Hey’adda Qaramada Midoobay.

Ebyan ayaa loo doortay inay noqoto mid kamid ah afarta madaxweyne ku xigeen ee xafiiska hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Golaha Qaraamada Midoobay ee Caasimadd Geneva ee dalka Switzerland.

Xilka loo doortay gabadhaan matasha Soomaaliya ayaa la sheegay inay sii heyn doonto waqtiga ka dhiman xil heynta Ali Ibn Abi Talib Mahmoud oo hadda ah wakiilka joogtada ah ee dowladda Suudaan.

Qoraal lagu sheegay doorashadaan ayaa lagu daabacay barta Twitter-ka ee Qaramada Midoobay,balse lagu faahfaahin sababta xilkaan looga wareejiyey Ali Ibn Abi Talib Mahmoud  oo ah ergayga dowladda Suudaan.

Ebyan ayaa xilka madaxweyne ku xigeen ee xafiiskaas kula soo biirtay seddexda dan jire ee kala ah Keva Lorraine Bain, ergayga gaarka ah ee Bahamas, Monique T.G. Van Daalen, oo metesha Netherlands iyo Yuri Borissov Sterk oo Bulgaria ku metela xafiisyadda Qaramada Midoobay ee Geneva.

Afarta madaxweyne ku xigeen ee xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa waxaa xusid mudan in seddex kamid ah ay yihiin haween, halka Yuri Borissov  uu yahay shaqsiga kaliya ee ragga ah ee kamid ah qaanadaas.

Madaxweynaha Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay xafiiska Geneva ayaa waxaa bishii January 2021 loo doortay Nazhat Shameem Khan oo sidoo kale illaa sanadki 2014-kii ah wakiilka gaarka ah ee Dowladda Fiji u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva.