Xog: Maleeshiyo ka hortagta doorashada xildhibaanada BF ee HirShabelle oo la qorayo

Beledweyne (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Beladweyne laga qorayaa dhallinyaro maleeshiyaad ah oo ka soo horjeeda maamulka HirShabeelle, kuwaasoo si gaar ah u doonaya in ay caqabad ku noqdaan doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa magaaladaas. 

Siyaasiyiin ka tirsan beesha Xawaadle oo qaarkood hadda ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa lacag ku bixinaya in aysan Beladweyne ka qabsoomin doorasho uu hogaaminayo maamulka HirShabeelle oo ay beeshaas si weyn u diidan tahay. 

Doorashada xildhibaanada ayaa la qorsheeyey in maamul goboleedkiiba ay ka dhacdo laba magaalo, waxaana HirShabelle la shaaciyey inay noqon doonaan Jowhar iyo Beledweyne.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Jabhada Janaraal Xuud lagu biiriyay tobaneeyo maleeshiyaad ah islamarkaana loo geeyay hub iyo saanad kale, taasoo la sheegay in loo adeegsan doono qabashada doorasho xor ah oo ay iyaga isku doortaan bulshada Xawaadle iyadoo meesha laga saarayo milinka maamulka HirShabeelle. 

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa la sheegay in uu ugu horreeyo siyaasiinta arrintaan taageersan isagoo lagu eedeeyay in uu lacag ku bixinayo. 

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa hore u taageeray Jabhadda Janaraal Xuud isagoo sidoo kale si weyn u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Cali Guudlaawe, oo uu mar uu wareysi bixiyey ku qeexay “nin miyiga ka yimid oo dadka u kala saar saara hab qabiil.”

Beesha Xawaadle ayaa kasoo horjeesatay madaxweynenimada Guudlaawe, ayada oo ku dooday in ayada kaliya ay xaq u leedahay xilka madaxweyne ee maamullkaas, halka beesha Guudlaawe ay leedahay caasimada.