Farmaajo oo taariikh labaad oo madow ay u qormeyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ee uu ka dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya Mowjado siyaasadeed oo waa weyn, kuwaasoo ka dhashay war qoraal oo ay baahiyeen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha, islamarkaana baarayay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray dalka Itoobiya. 

Warbixinta guddiga ayaa qodobo kamid ah waxaa lagu caddeeyay in dagaalkii ka dhacay gobolkaas ay ka qeyb galeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar loo geeyay dalka Eritrea, kuwaas oo qasab lagu geeyey gobolka. 

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eritrea dagaalka ee Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta QM.

Durba waxaa billowday Mowjado siyaasadeed oo waa weyn kadib markii ay ka hadleen qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, Senatoro, Xildhibaano iyo waalidin carruurta dhalay. 

Farmaajo iyo dowladdiisa ayaa muddo qarinayey in ciidan la geeyey Eritrea, hase yeeshee waxay markii ay soo baxday qirteen inay jiraan ciidan halkaas la geeyey balse beeniyeen in loo gudbiyey gobolka Tigray, hase yeeshee warbixinta QM waxay soo xirtay albaabkii beeninta ee dowladda federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo hore u qabay dhaawac culus oo ka soo gaaray dhiibistii Qalbi Dhagax ayaa hadda wajahaya mid taas kasii daran haddii uusan la imaanin cadeymo muujinaya in carruurtaas noolyihiin, oo uusan dib ugu soo celin waalidkooda.

Haddii aanu sidaas sameyn, Farmaajo waxaa u qormeysa taariikh labaad oo aad u xun. Wuxuu horey u noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya cadow. Wuxuuna hadda u muuqdaa inuu noqday mar kale madaxweynihii ugu horreeyey ee caruur Soomaaliyeed u gacan geliya cadow, si dagaal loogu adeegsado.

Dad badan ayaa aaminsan in dhiibistii Qalbi Dhagax iyo haddii ay dhab noqoto arrinta dhalinyarada oo ah in dagaalka Itoobiya ka qeyb galeen ay meesha ka bixi doonto rajo kasta oo uu qabay Madaxweyne Farmaajo oo ku aadaneyd dib u doorashadiisa. 

Xubno uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dacwad ay ka gudbin doonaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay ka sii dareyso wararka arrintaan ku saabsan wixii ka dambeeyay warbixintii QM. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii 2017 olalihiisa ugu weyn ee codka ku helay ahaa Itoobiye naceyb balse hadda waxaa lugaha la galay falal aad u qaraar oo baal madow uu kaga qormayo taariikha Soomaaliyeed.