Rooble oo tegaya Kismaayo, si uu Axmed Madoobe ugala hadlo arrin xasaasi ah – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu maalmaha soo socdo safar ku tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. 

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku beegan maalmo kadib markii uu Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe ku laabto Kismaayo, kaasoo hadda jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. 

Ujeedada safarka Rooble ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimo la xariira doorashada Soomaaliya iyo dhameystirka heshiiskii laga gaaray doorashada ka dhici doonto magaalada Garbohaarey ee xarunta gobalka Gedo. 

Labada mas’uul ayaa la sheegay in ay halkaas ku dhameystiri doonaan waxyaabaha suurta gelin kara in Garbohaarey ay ka qabsoonto doorasho nabad ah, xilli dadka halkaas dagan aysan taageersaneyn maamulka Axmed Madoobe. 

Maamulka Jubbaland waa maamulka kaliya ee uusan ilaa hadda tagin Rooble, waxaana la filayaa in safarkaan uu ka badalnaan doono kuwii hore.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Afisyoone ayaa lagu go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Madaxda shirweynihii doorashada ee Afisyoone ayaa sidoo kale go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u saareen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kala tashto ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sugaya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.