Rooble oo magacaabay guddi kale oo doorasho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha doorashooyinka ee dhowaan ka dhacaya dalka.

Guddigan ayaa si gaar ah xafiiska ra’iisul wasaaraha uga taageerayo arrimaha doorashooyinka oo xal waara laga gaaray, kadib dadaallo uu sameeyey Rooble.

Sidoo kale wuxuu guddigu la shaqeyn doonaa isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Todobo xubnood ee la magacaabay sidoo kale labo ka mid ah waa gabdho halka shanta kale ay yihiin rag, kuwaas oo kala ah:-

1-Abdkadir Elmi Ali.
2-Avv Omar Mohamed Abdulle.
3-Fatumo Abdi Ali.
4-Mohamoud Mohamed Roble.
5-Laila Abdikarin Mohamed.
6-Liban Rabile Good.
7-Abdulahi Hashi Hussein.

Wareegtada kasoo baxday baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu faray guddigan inuu guto waajibaadka loo igmaday, maadaama la guda galayo doorasho.

Soomaaliya ayaa haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo laga gaaray heshiis, kadib kulamo siyaasadeed oo uu garwadeen ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.