JUBALAND oo war ka soo saartay askarta Soomaalida ‘ee la geeyey’ gobolka Tigray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta dowlad goboleedka ee Jubbaland Mudane Mursal Khaliif oo ka qeyb-galay dood gaar ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada Soomaaliyeed ee la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, isaga oo caddeeyey mowqifka Jubbaland ee ku aadan arintaasi.

Mursal ayaa marka wax laga xumaado ku tilaamay in askar Soomaaliyeed oo loo qaaday in loo soo tababarayo qarankooda la-geliyo dagaal ka socda dal kale oo shisheeye.

Sidoo kale wuxuu dtilmaamay in kiiskan uu yahay mid caalami ah, isla-markaana loo baahan yahay in ciddii daabushay ciidamadaasi la horgeeyo maxkamad caalami ah.

“Qof kasta oo mas’uul ka ahaa in askarta loo daabulo Tigray waa in uu cadaallada ku wajahaa maxkamad caalami ah, maadaama uu yahay kiis caalami ah,” ayuu yiri Mursal.

Mowqifka Jubbaland ee ku aadan askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa kusoo aadaya, xilli warbixin kasoo baxday guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay lagu sheegay in askar Soomaali ah la geeyey gobolka Tigray, kadib markii uu dagaal culus ka qarxay bishii Novermber ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah ama jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan arrimaha ciidamadaasi.

Arrintani ayaa uga sii dareysa walaaca ay qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo marar badan dibad-baxyo cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho, si ay war uga helaan wiilashooda tababarka loo qaaday.