Turkiga oo aqoonsaday 41 Jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya + Magacyada

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday  liiska illaa 41 jaamacadood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwaas oo helay aqoonsiga dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda Tacliinta sare ee Turkiga ee loo yaqaano YOK.

Liiska jaamacadaha lasoo dhigay oo ku kala yaalla magaalooyinka waa weyn dalka ayaa maray hannaankii saxda ahaa is-diiwangelinta, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda.

Sidoo kale liiskan ayaa waxaa loo soo gudbiyey safaaradda Turkiga ee ku taalla Muqdisho oo iyadu marin u ah safarka Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashad au  aada dalkaasi.

Halkan hoose la aqriso liiska 41 Jaamacadood ee aqoonsiga helay:-

Dhinaca kale guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Turkiga ayaa farriin u diray Jaamacadaha kale ee aan is diiwaan-gelin, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobollada dalka,iyada oo loo qabtay illaa muddo ku siman 05/06/2021.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka  Tacliinta Sare. Hadaba Waxaan ka codsaneynaa  inay  la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu  dambayn 05/06/2021. Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri qoralka.

Turkiga ayaa waxaa inta badan waxbarashada u aado ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha waa weyn ee ku yaalla gudaha dalkaasi, waxaana tan wixii ka dambeeyey 2011-kii sii xoogeystay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya & Turkiga.