Maxamed Affeey oo cadeystay arrin in badan uu iska fogeyn jiray iyo hanjabaado kasoo yeeray.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Maxamed Cabdi Afeey oo ah Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee arimaha Somalia inbadan lagu eedeeyay in qaab qaldan uu u taageero Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa waxa uu goordhow daaha ka rogay waxyaabo badan uu iska fogeyn jiray.

Afey oo ka talaabay xuduudii uu ugu magacownaa IGAD, ayaa goordhow sheegay in talaabo adag uu ka qaadi doono cidii isku dayda inay arbushaad ku sameyso Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay inay faraha kasii baxayaan Eedeymaha loo jeedinaayo Axmed Madoobe, balse uu talaabo muuqata ka qaadi doono shaqsigii isku daya inuu hor istaago Maamulka, waxa uuna hadalkaasi ifinayaa eedeymihii loo jeediyay Afey ee ahaa in dhanka Axmed Madoobe uu u janjeera.

Mr. Afeey ayaa sheegay in Jubbaland ay ka baxday KMG oo hada ay tahay Maamul dhameystiran, sidoo kalena qofkii doonaayo inuu hogaanka Siyaasada Jubbaland qabto laga doonaayo inuu ogolaansho ka haysto Xildhibaanada Jubbaland.

Afey oo muujinaayay garabsiintiisa Axmed Madoobe ayaa yiri ‘’ “ Ninkii raba inuu hogaamiyo Jubbaland waa inuu ogolaansho ka helaa Barlamaanka Jubbaland sida Axmed Madoobe. Haddii aad ka weyso oo aad isku daydo inaad majo xaabiso oo aad dhibaatayso hade waa far fiiqan tahay.”

Afey oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegaya in qabiil u dhashay deeganada Jubbaland oo xoog wax ku qabsan kara inuusan jirin, hadii ay dhacdana qabiilkaasi uu caqabad la kulmi doono, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Afey ayaa u muuqanaaya mid qaab siyaasadeed loogu taageerayo Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe, waxa uuna Afey iminka muujinayaa heerka uu ka aaminsan yahay Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com