Xog: Ismarin waa ka taagan dhismaha maamulka Hiiraan & Shabelaha Dhexe (Maxaa la isku hayaa)

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan saxiixayaasha shirka  maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo looga arinsanayo arimaha maamulka.

Qorshaha socda ayaa u muuqanaya mid ugu horeynta khilaaf  la kulmaya, sabab la xiriirta xubnaha saxiixayaasha oo isku mari weysanaa qaabka lagu soo xulayo gudiga farsamada maamull u sameynta Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in la isku fahmi weysan yahay xubnaha gudiga farsamada oo ka kooban 31 xubnood iyo sida loo qeybsanayo, laakiin waxaa wararka sheegayaan in la isku qanciyay in 16 xubnood ka imaadaan dhanka Hiiraan 15 kalana ka yimaadaan dhanka Sh.Dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudiga la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo si ay u gudo galaan shaqada laga doonayo.

Waxaa laga baqalayaa in dib u dhac ku yimaado wajiga koowaad ee shirka oo  la qorsheeyay 1-da September sabab la xiriira dib u dhaca  ku yimid xiliga la qorsheeyay soo magacaabida gudiga farsamada maamulka.

Waxaa sidoo kale culees xoogan ka taagan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyo halka noqoneyso caasimada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com