Xildhibaannada wada Mooshinka oo go’aan adag qaatay iyo Xasan Sheekh oo laga yaabo inuu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya qaarkood oo mooshin ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaatay go’aan adag oo horseedi kara in meesha uu ka baxo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah xubnaha ugu sareeyo ee wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in marnaba xildhibaanada aysan la laaban doonin mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay haddiiba uu tanaasul imaanayo la doonayo inuu ka yimaado dhanka madaxweynaha Soomaaliya oo marnaba dhankooda uusan ka imaan doonin ka laabashada go’aanka ay horay u soo saareen.

“Waxaan kuu sheegayaa marnaba dhankeena tanaasul kama imaanayo, haddiiba tanaasul uu imaanayo madaxweynaha dhankiisa ayaan ka fileynaa”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha ahna mudane baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegay in Xildhibaanada mooshinaka wada ay sii kordhayaan oo maalin kasta xildhibaano cusub ay kusoo biirayaan.

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya qodobada ay ku eedeeyaan waxaa ka mid ah kuwo dastuuri ah lamana oga halka go’aanka kama dambeyska ah laga helayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live,com