XOG: Xasan iyo Jawaari oo gacmaha isula tagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha baarlamanka Jawaari, ayaa waxaa dhex maray muran sababay inay gacmaha iskula tagaan oo la kala qabto, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Sida aan warka ku helnay, muranka ayaa billowday kadib markii Jawaari uu diiday codsi ka yimid madaxweynaha oo ahaa in mooshinka laga keenay aanu hordhigin baarlamanka si cod loogu qaado.

Jawaari, oo muddo ay saaxiibo ahaayeen Xasan Sheekh, marar badanna u hiiliyey, ayaa ku adkeystay inaanu sharciga ka tallaabi karin, islamarkaana uu mooshinka horgeyn doono baarlamanka.

Markaa kadib ayaa la sheegay in madaxweynaha uu aad u carooday, una hanjabay Jawaari, taasi oo dhalisay buuq iyo qeylo keentay in labadoodaba kursiga ka kacaan oo gacmaha isla soo aadaan, kadibna la kala qabtay.

Jawaari ayaa isaga tagay Villa Somalia isaga oo carreysan, wacadna ku maray in Xasan uu tusi doono xildhibaanada. Dhinaca kale, Faarax Cabdulqaadir oo kullanka goobjoog ka ahaa ayaa ugu hanjabay Jawaari inuu mooshin kale ka keeni doono, oo uu xilka ka qaadi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com