Yaa amarkii BELEDWEYNE looga celiyay danjire America kasoo bixiyey Xamar? (Dagaal cusub)!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay yaa sheegaysa in amarkii dib looga celiyay magaalada Beledweyne Danjire Maxamed Cali Amerika uu ka yimid madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliua Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax amar ku siiyay dib u celinta Safiir Amerika oo shalay ciidamada maamulka Hiiraan ay u diideen inuu ka soo gudbo degmada Mattabaan, wuxuuna hadda ku sugan yahay Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh iyo C/fataax ayaa la sheegay inay tahay inay shaki weyn ka qabaan inuu Danjire Cali Amerika ka mid yahay musharixiinta u taagan maamulka loo dhisi doono gobollada Hiiran iyo Sh/dhexe, sidaas darteedna loogu diiday inuu B/weyne tago.

Xasan ayaa doonaya in qof ka tirsan kooxdiisa Damu-Jadiid loo dhiibo xilka madaxweynaha maamulkaas, wuxuuna iska ilaalinayaa qof kasta oo laga yaabo inuu kasbado taageero xooggan, sida Danjire Ameerika.

Waa markii ugu horeysay ee Danjiraha loo diido magaalo Soomaaliyeed isagoo hore u soo maray Kismaayo, Baydhaba, Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com